Free Web Page Hosting | Credit Report | Credit Cards | Web Hosting | Web Hosting
Search the Web

RAAXADA GUURKA

HORDHAAC ISLAMKA IYO NOLOSHA DHEGEEYSO QURAAN TAFSIIR & XADIIS WAXBARASHO ISLAM AND LIFE CAFMAADKA BARO-DALKAGA QAAMUUS HAL XIRAALE DAAWO FAALO Welcome  Aqoon IYO Ogaal SUUGAAN MAHMAHYO HEESO RAAXADA GUURKA DHAGAYSO IDACAADDA Ex-ISLAMIC AFLAANTA MANUTD SOMALI DAAWO MANUTD

Qeybta Kowaad Ee Buuga Raaxada Guurka

BAABKA KOOWAAD

GOGOLDHIGGA GUURKA 

GUURKA IYO MOWQIFKA DIINTA

Guurku diinta waa u gargaar, shaydaanka waa u gablan iyo hoog, waana gaashaan adag oo    cadowga Eebbe laga galo, waxaana ku badata ummadda Islaamka si ay ula tartanto ummadaha kale. Eebbe waxa uu Aayaddiisa Qur’aanka ah ku leeyahay: (U guuriya xaaslaawayaasha idinkamidka ah iyo addoomadiinna kuwooda wanwanaagsan “rag iyo dumarba”. Hadday sabool yihiin Eebbe asagaa deeqdiisa ku hodminaya, Eebbana waa kii  deeqdiisu dadka ku wada aaddo, cid walbana duruufteeda ka warqaba.). Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) waxaa laga weriyey inuu yiri: (Isguursada oo tarma ummadaha ayaan idinkugu faanayaa maalinta Qiyaamaha eh). Cumar (RC) waxa uu dhihi jiray: (Waxaan u guursadaa saan wiil u helo), ibnu Mascuudna waxa uu oran jiray: (Hadday cimrigeyga toban beri oo keliyihi ka harsan tahay waxaan jeclaan lahaa inaan guursado, si aanan Eebbe uga hortegin anigoo doob ah). Saxaabigii Mucaad Ibnu Jabal daacuun baa ku dhacay, laba xaas oo uu qabayna ka dilay, markaasuu yiri: (War ii guuriya, ma jecli inaan Eebbe la kulmo anoo doob ahe). Qofkaan haddaba guursan karin sabab kastaa ha kalliftee, waxaa habboon inuu is ilaaliyo intuu faraj khayr qabaa uga furmayo. Eebbe waxa uu leeyahay: (Ha dhowrsadeen kuwaan awood guur heli karaynin intuu Alle deeqdiisa kaga hodminayo). Ibnu Mascuud waxa uu Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) ka weriyey inuu yiri: (Ninkii awoodi karaa ha guursado maxaa yeelay guurku aragga waa u dabool ibtana waa u gaaashaan. Ninkaan awoodi karinse ha soomo, soonkaa kacsiga ka bi’inayee). FAA’IIDOOYINKA GUURKA

Guurku waxa uu leeyahay shan faa’iido oo kala ah:.

1-                 Ubad kaa hara:- Faa’iidooyinka guurka tan ugu horreysaa waa sidii lagu heli halaa ubad, si aanay tafiirta dadku u dabar go’in. Ubad dhalistu waa inay yeelataa afar ulajeeddo oo kala ha:

-                       Inaad ku doontid raallinimada Eebbe, maadaama aad gacan ka geysanaysid siday tafiirta dadku kusii socon lahayd.

-                       Inaad ku doontid raallinimada Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) kol haddaad ku kaalmeyneysid siduu ummadaha kale tirada ummaddiisa ugu faani lahaa.

-                       In Eebbe ku siiyo ubad khayr qaba oo kuu soo duceeya kolka aad dhimatid.

-                       Inaad ku doontid shafeeco kolka ilmo yari kuu saqiiro.

2-                 Dhufays aad ka gashid Shaydaanka:-  Guurku waxa uu kaa oodaa meeluhuu shaydaanku kaasoo gelayey, mar hadday wuxuu xaaraan ku raadi ku lahaa rugtaada kuu yaallaan iyagoo xalaal ah. Qofku hadduusan Eebbe ka cabsi iyo iimaan ku hubaysnayn, rabitaankiisa kacsi ayaa hor kaca, haddii markaasi aanu helin guur xalaal ah, siduu dembi isaga ilaaliyaa way adag tahay.

3-                 Qalbigoo kuu dega iyo laabtoo kuu qabowda:-  Shaqo tay naftu u jeceshahay haddaan loo helin waqti nasasho, waa lagu daalayaa dabeetana la’iska deynayaa. Haddaba maxaad ka oran lahayd hadday shaqadaasi tahay taqwada Eebbe ooy iyada iyo naftuba isdiidayaan!. Saacadaha uu ninku  ku hawlan yahay cibaadada Alle iyo camalka adduunyo, waxaa habboon inuu dhexgashado waqti uu xaaskiisa kula baashaalo, si qalbigu ugu dego, laabtu ugu qabowdo firfircoonaanna uga qaado.4-                 Hawshii guriga oo hoggaankeedii kaa wareego:- Ninka oo ka xorooba maamulka guriga sida hagaajintiisa, xaaqistiisa, goglistiisa, cunto karinta iyo diyaarinta, alaab dhaqista, suuq kasoo adeegga, iwm., waxay siisaa waqti dheeraad ah oo uu ku shaqaysto, wax ku barto, Eebbena ku caabudo. Rasuulkeenna suubban (Sallallaahu calayhi wasallam) waxa uu xadiis uu soo saaray Tirmidi ku leeyahay: (Midkiin ha yeesho qalbi Eebbe ku mahadin og, carrab Eebbe xusid badan iyo haweeney mu’minad suubban ahoo Aakhiradiisa ku kaalmeysa). Haddaba dumarka looma guursado oo qura in adduunyada lagu raaxaysto, carruurna laga daadiyo, balse yoolka ugu muhiimsani waxa weeye inay kuu abuuraan waqti iyo jawi aad Eebbe ku caabuddid.5-                 Nafta ood kula dagaallantid daryeelka qoyska:- Nafta ood ku jara-bartid qaadista mas’uuliyadda reerka, daryeelkiisa, gudashada waajibka kaa saaran xaaskaaga, dabeecaddeeda ood ugu samirtid, dhib wixii kaaga yimaada ood u dulqaadatid, hanuuninteeda ood u hawlgashid, dadaal aad u gashid sidaad marasho iyo masruuf xalaal ah ugu keeni lahayd, carruurta ood ku tarbiyeysid waddada toosan, iwm.Waxaas oo dhami waxay kamid yihiin faa’iidooyinka guurka, tiiyoo weliba ajar iyo xasanaad Eebbe kaa siinayo. Nabigeennu (Sallallaahu calayhi wasallam) waxa uu xadiis ku leeyahay: (War hooya gebigiin waxaad tihiin Qawsaarro, qawsaar walibana waxa uu mas’uul ka yahay wixii la raaciyey). Waxaa la sheegay in raggii hore ee suusuubbanaa mid kamid ahi uu niman walaalihii ah ooy jihaad ku wada jireen weydiiyey: (Ma garanaysaan shaqada aynu hadda hayno mid inooga ajar badan?). Markaas bay yiraahdeen: (Ma garanayno). Suu yiri: (Anaa garanaya). Markey weydiiyeenna waxa uu ugu jawaabay: (Nin sabool ahoo ciyaal leh, ha yeeshee aan cidna wax weydiisan, oo intuu cawa-barkii toosay oo reerka indha-indheeyey arkay carruurtiisii oo hurudda cawradooduna bannaan tahay, dabeetana ku huwiyey go’ii uu keligii dhar ka lahaa, kaas baa naga camal wanaagsan).
CAQABADAHA GUURKA
Waxaa jira caqabado (dhibaatooyin) ama is hortaaga guurka amaba laf ahaantiisa ka dhasha, waxaana ugu muhiimsan saddexdaan:1-                 Awood-darri dhaqaale:- Dhaqaale xumadu waa aafada ugu weyn ee ka hortaagan rag badan inay guri xalaal ah degaan, gaar ahaan sicir bararka iyo awood iibsasho yaraanta xilligaan jirta dartood.2-                 Mas’uuliyadda qoyska ood qaadi weydo:- Rag badan baan xamili karin gudashada xaqa ay dumarkoodu ku leeyihiin, iyaga oo ugu sabri waaya dabeecad xumadooda, uguna dulqaadan waaya dibindaabyaday la yimaadaan. Rasuulka suubban (Sallallaahu calayhi wasallam) waxa uu leeyahay: (Qofka waxaa dembi ugu filan inuu dayaco kuwii loo xilsaaray daryeelkooda). Waxaa la weriyey in ninka ka cararaa ciyaalkiisu uu lamid yahay nin Eebbe ka cararay, lagamana aqbalo Salaad iyo Soon toona. Eebbe waxa uu Aayaddiisa ku leeyahay:   (Ka dhawra naftiinna iyo ehelkiinna Naar shidaalkeedu yahay dad iyo dhagxaan). Sidaas buuna inoogu amrayaa in aan xaaska uga ilaalinno Naar isla sida aan nafteenna uga ilaalinayno, waxaadna halkaasi ka garan kartaa in ninku kolkuu guursado ay labanlaabmayso mas’uuliyaddii saarrayd, ayna xakamayn ka rabaan laba nafood, kiiyoo awalba kari la’aa hal naf xakamaynteed. Waana taasi ta kalliftay rag badan oo saalixiin ahi inaanay guursan, iyaga oo kabiqi jiray Aayadda oranaysa:  (Waxay wanaag ku leeyihiin inta iyaga lagu leeyahay oo kale), Micnaha Aayaddu waxa weeye: (Haweenkiinnu masruuf bay idinku leeyihiin, marashay idinku leeyihiin, meel ay degaanna way idinku leeyihiin, iyo weliba inaad ugu raaxaysaan sida aad jeceshihiin inay idiinku raaxeeyaan).3-                 Cibaadada oo uu kaa carqaladeeyo:- Dhibaatooyinka ka dhasha guurka waxaa kamid ah isagoo kugu dhaliya ka feker adduunyo, iyo inaad meherad ka dhigatid ubad iyo maal aruurin. Waxaa la hubiyey in nin lug haween bartay ay ku adagtahay inuu waqti u helo cibaado Eebbe. Ha yeeshee taa micneheedu ma aha in labada mid la tuuro, balse waa in guntiga dhiisha la’isaga dhigo sidii labada daarood la’isugu keeni lahaa. Gaar ahaan waxa uu guurku waajib ku yahay qofkaan naftiisa liijaan ku qaban karin oon xaaraan iska ilaalin karin. Haddaba cidda keliya oon isleennahay guur la’aanta ayaa u roon waxa weeye ninkaan saddexdaasi aafo ka badbaadi karin, kana baqaya mas’uuliyad dheeri ah oo uu Naar ku mutaysto, ha yeeshee naftiisa xakamayn kara oo ka dhawri kara xaaraan kaga timaada araggiisa iyo ibtiisa. Ninka caynkaasi ah waxa u wanaagsan inaanu guursan, si aanu Aakhiradiisa ugu doorsan Adduunyo.

GACAL DOORASHADA

Diinteenna Islaamku waxay ina baraysaa in haweeney afar waxyaabood lagu guursado, kuwaasi oo kala ah: qurux, qoys sharaf leh ooy ka dhalatay, maal iyo diin. Haddaba haddaynu mid mid u kala qaadno:1-                  Qurux: Quruxdu inkastoo ay tahay shabagga ugu horreeya ee ay dumarku ragga u daadiyaan, misana diin iyo akhlaaq haddaanay dugsanayn, intay halleyso ayaa ka badan waxay hagaajiso, waxana weeye wax da’ ku xiranoo qofka aan ku daahin. Waxaa la yiri quruxda keligeed ahi waa sida bal cagaaran oo intaad u bogto aad xoolaha ku deysatid, kolkeyse daaqaan ay ku banaan (shubmaan) oo bushi uun ka qaadaan.2-                  Qoys sharaf leh:  Waa wax loo baahan yahay in dad la garanayo oo magac iyo maamuus leh laga guursado, waana kii uu Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) yiri: “U doorta xawadiinna, cirqigu waa uu dusaaye”. Xadiiska oo uu soo saaray ibnu Maajah, micnihiisu waxa weeye dadnimo wanaagga waa la’iska dhaxlaaye, hubiya qofka aad guursaneysaan amaba u guurineysaan inuu qoys wanaagsan ka dhashay. Ha yeeshee, illayn qoyska dhan guursan maysidoo qof baad ka guursanaysaaye, sideed ku dammaanad qaadaysaa inay qoftaasi noqon doonto tii lagu nastoo lagu nagaado, haddaanad akhlaaq iyo diin ka eegin?.3-                  Maal: Ninkii gabar maalkeed “oo qura” u guursadaa, ma uu doonayo gabadhee maalkeeduu doonayaa, ayada lafteeduna waxay u aragtaa nin ay iibsatay. Waxaa hore loo yiri: Ninka waxa wanaagsan inuu gabadha uu guursanayo saddex dheer yahay: da’ iyo nasab iyo duunyo, si aysan u yasin. Gabadhana waxa wanaagsan ninka ay guursanayso inay saddex dheer tahay: samir iyo edeb iyo suurad wanaag, si uusan u yasin.4-                  Diin: Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) waxa uu xadiis saxiix ah ku yiri: (Naag waxa loo guursadaa maalkeeda, quruxdeeda, sharafteeda iyo diinteeda, ee ta diinta leh gaar gacmaha ciid gashee). Gabadha diinta lihi waa tan garanaysa siday u gudan lahayd xaqa uu ninkeedu ku leeyahay, siday u dhawri lahayd asraarta gurigeeda iyo nafteeda, siday isaga ilaalin lahayd masayr, carruurtana ugu barbaarin lahayd tubta toosan.      Haddaba, maadaama ay adagtahay sidii lagu heli lahaa haweeney afarta sifo ee aannu soo sheegnay isku darsatay, waxaa habboon in xoogga la saaro qof diin leh, hadday markaasi qurux iyo qoys wanaag ku darsato waa Alxamdu Lil-Laahi, hadday maalkeeda sidatana waa Rabbil-Caalamiin.

     Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxaad mooddaa in dabeecadda raggu dalkay doonaanba ha u dhasheene tahay inay gabadha bilicsanaanteeda iyo muuqaalka bedenkeeda ku daba galaan, intaanay u daadegin diin iyo dabeecad kale. Hadday markaasi diin iyo dabeecadi u dheer yihiin, ninka daa’in ka baqayaa waa tuu doonayey, kii kalee damackatiir ahe xoolo daneeyaase quruxda wuxuu ku daraa inay dad magac iyo deeq leh ka dhalatay.

SOOMAALIDA IYO QURUXDA

 Soomaalidu waxay tiraahdaa: (hadday naagi siddeed iyo labaatan sifo oo dumar lagu raaco leedahay, asay gabar tahay, guurkeeda sina looma daayo). Sifooyinka ay tilmaamaanna waa sidatan:--                     Afar ay u dheer tahay: labada gacmood, timaha iyo qoorta.-                     Labay u dhuuban tahay: qoorta iyo dhexda.-                     Afar ay dhumuc u leedahay: labada kub iyo labada cududdood. -                     Afar ay u caddahay: labada indhood iyo ilkaha labadooda lakab.-                     Afar ay u madowdahay: labada indhood wiilkooda iyo labada sunniyood.-                     Afar ay deeb u leedahay: labada dibnood (bushimood) iyo labada mudane (Naasaha caaraddooda).-                     Labay u shuban tahay: labada dhaban.-                     Hal ay u buuxdo: shafka oo ah meesha dumarku quruxda ka sitaan, ishuna ku nasato. -                     Hal ay u qoran tahay: waa sanka.Lix iyo labaatankaas sifo araggay ugu qurux badan tahay, labana maqalkooda ayay dheguhu ku raaxaystaan, waana qosolkeeda iyo codkeeda macaan.

CARABTA IYO QURUXDA
Soomaalida oo keliya ma aha, ee carabta lafteedu waxay tiraahdaa: (Naag wanaaggeed ma dhamaystirna haddaanay afar u caddayn, afar u casayn, afar ciriiri u ahayn, afar u carfayn, afar u madoobayn, afar u weynayn, afar u koobaabnayn, afar u ballaarrayn, afar u jilicsanayn, afarna u yarayn). Afarreydiina waa sidatan:--                     Afar ay u caddahay: indhaha, ilkaha, ciddiyaha iyo midabka.-                     Afar ay u castahay: carrabka, ciridka, dhabannada iyo dibnaha.-                     Afar ay ciriiri u tahay: sanka, dhegaha, xuddunta iyo cambarka.-                     Afar ay u carfayso: sanka, afka, kilkilaha iyo cambarka.-                     Afar ay u madowdahay: sunniyaha, timaha, indhaha wiilkooda iyo baararkooda.-                     Afar ay u weyn tahay: joogga, garbaha, feeraha iyo barida.-                     Afar ay u wareegsan tahay: madaxa, indhaha, cududdada iyo kubabka.-                     Afar ay u ballaaran tahay: foolka, indhaha, shafka iyo cajarrada.-                     Afar ay u yar tahay: dhegaha, cagaha, afka iyo calaacullada.-         Afar ay u jilcan tahay: sunniyada, sanka, dibnaha iyo dhexda.INANTAADA U AWR DAYOWaxaa loo baahan yahay inantaada iyo walaashaa inaad u doortid nin diin iyo akhlaaq leh oo ku dhaqmaya waxyaabaha ay diintu farayso, kana fogaanaya waxyaabaha ay ka reebeyso. Waxaa la yiri nin baa nin kale weydiiyey: (War heedhe inan baa ii joogtee yaan u guuriyaa?). Saa kii kalaa ugu jawaabay: (Nin daa’inkii ka biqi og u guuri, maxaa yeelay hadday deeqdana asagaa daryeeli og hadday ka daadegi weydana ugu yaraan ma uu dulmin doono).Waxa kaloo la yiri: Nin dadkii hore ee suusuubbanaa kamid ah baa doonay inuu inantiisa u guuriyo, markaas buu la tashi ugu tegey nin ay deris ahaayeen oo Majuusi ah (Dabka caabuda). Majuusigii oo yaabban baa yiri: (Dadoo dhami adayba adduun iyo aakhiro kaa wareystaane maxaad aniga iweydiinaysaa oon kugu war dhaamaa?). Markaas buu ninkii Muslinka ahaa yiri: (Iska daaye, ila taliyoo yaan inantayda siiyaa?). Majuusigii baa markaa yiri: (Madaxweyneheennii Kisra xooluu dooran jiray, madaxweynihii Ruum Qaysarna qurux buu dooran jiray, Carabina nasab iyo qabiil bay dooran jirtay, madaxweynihiinnii Maxamedna diin buu dooran jiraye, bal adigu go’aan ka gaar ciddaad ku dayan lahayd).QISADII SACIID BIN AL-MUSAYIB

     Saciid waxa uu ahaa mid kamida culimadii diinta ugu caansanayd xilligii banii Umayah dowladda Islaamka u talinayeen: Saciid ardadiisa waxaa kamid ahaa nin la oran jiray Cabdullaahi bin Abii-widaacah. C/Laahi dhawr maalmood buu dersiga ka maqnaaday, sheekhuna ardada ka dhex tebay. Maalintii dambe kolkii loo sheegay in sheekhu doondoonayey buu u yimid. Markuu salaamay buu sheekhu weydiiyey halkuu maalmahan ku maqnaa. “Xaaska ayaa iga jiranayd oo aan la joogay, haddase way dhimatay oo waaban soo duugay” buu C/Laahi ugu jawaabay. “Maxaad jirradeeda noogu soo sheegi weyday aan booqannee, amaba geerideeda aan waxka duugnee?” intuu ku yiri oo u tacsiyeeyay, xaaskii geeriyootayna u duceeyay, buu dabeeto ku yiri: “C/Laahiyow guurso, Eebbena ha hortegin adoo doob ah”. “Yaa sheekhow gabar  isiinaya!, Wallaahi baan ku dhaartaye Afar dirham baa xoolo iga dhaca”. Sheekhii baa markaa yiri: “Subxaanallaah, miyaanu muslimku afar dirham ku dhowrsan karin!”, una raaciyey “Anaa inan kuu guurinaya hadaad raali ka tahay”.

C/Laahi bin Widaacah oo isaga laftiisu sheekada ka sheekeynayaa waxa uu leeyahay: Markaas baan xishood iyo darajayn dartood uga aamusay. “Maxaad u aamustay? ma inantaydaan kuu cuntamayn?”. “Eebe hakuu naxariistee  maxaad saa u leedahay haddaad doonto gabadhaada kumanaan dirham baad ku guurin kartaaye” baan ku iri. Markaas buu sheekhii yiri “Waa runtaa, balse iska daayoo shuhuud u yeero”. Shuhuud baan markaa u yeertay, waxaana gabadhii la igula mehriyey Afartii dirham, halkaana lagu kala faataxaystay.

Kolkaan Salaaddii Cishaha tukannay baan anigu gurigeygii iska aaday, waana tanoo ninbaa iridkii aqalkeyga garaacaya. “Waa kuma?”. Qofkii iridka garaacayey baa yiri: “Waa Saciid”. Ilaah baan ku dhaartaye waxaan Saciidyo magaalada ku aqoon jiray waan soo wada xusuustay aan ka ahayn Saciid bin Al-Musayib, maxaa yeelay weligey maanan arag asagoo gurigiisa ka baxaya, inuu Salaad Masjidka ugu socdo ama meyd wax kasoo aasayo maaha eh. Markaas baan iri: “Waa Saciidkee?”. “Saciid bin Al-musayib”. Jirkayga oo dhan baa halmar jareeyey, waxanan is iri: “Armuu sheekhu ka shallaayey inantuu  ku siiyey oo kuu cudur daaran rabaa”. Markaas baan anoo cagajiid ah iridkii furay, saa waa gabar dadaboolan, faras alaabi ku raran tahay iyo adeegto cad. Sheekhii intuu isalaamay buu yiri: “C/Laahiyow waatan naagtaadii”. Markaas baan si yare xishood ku jiro u iri: “Alle hakuu naxariistee, maxaad ayaamo ugu kaadin weydey”. Suu yiri: “Sabab!”, kuna daray: “Sow ima oran afar dirham baan haystaa?, mise waxaad dooneysaa in Eebbe  iyiraahdo maxaad ninka habeenkaa doobnimo ugu dhaaftay adoo xaaskiisii haya. Waa taa naagtaadii waana taa alaabadiinnii, waana taa gabar idiin adeegta iyo kun dirham ood masruufataan.  C/Laahiyow amaanada Eebbe iga guddoon. Waxan dhaar kuugu marayaa inaad iga guddoomaysid gabar Soon iyo Salaad badan, Kitaabka Eebbe iyo Sunnada Rasuulkiisana aqoon badan u leh, ee Alle kaga cabso, aniga darteeyna ha uga xishoon ee haddaad wax aadan jeclaysan ku aragto intaad edbiso gacanteyda kusoo sin”. Waanu sii dhaqaaqay.

C/Laahi waxa uu leeyahay: Wallaahi baan ku dhaartaye weligey ma arag naag ka aqrin og Kitaabka Alle, kagana aqoon badan Sunnada Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam), kagana cabsi badan Allihii abuurtay, waxanay ahayd mas’alada culimada wareerisa ta jawaabteeda la weydiiyo.Mar kasta oon Saciid is aragno waxa uu iweydiin jiray: “Qoftii say tahay?” markaas baan dhihi jiray: “Waa nabaddeeda”.     Kedib markay gabadhii wiil iidhashay baan maalin anigoo suuqa u baxay waxaan soo laabtay islaan aanan weligey arag oo aqalka dhex fadhida. Ka noqo markaan islahaa bay xaaskaygii tiri: “Soo gal C/Laahiyow, waa qof araggeeda Eebbe kuu banneeyaye”. Markaas baan weydiiyey: “Tumaad ahayd, Alle hakuu naxariistee?”. “C/Laahiyow gabadhaan hooyadeed baan ahaye maxaad kala kulantay?”. “Khayr Alle haydinka siiyo, si fiican baad u tababarteen una edbiseen”. “C/Laahiyow annaga ha noogu danayne haddaad xumaan ku aragtid edbi, waxaan nafteeda ka ahaynna adaa leh, dhoola caddayntana haka badin yaanay ku dhayalsane. Eebe haydiin barakeeyo dhallaanka cusub, ha ka dhowro Shaydaan, hana kadhigo mid Alle ka cabsi badan sidii awoowihii. Wallaahi baan ku dhaartaye Afartan (40) sanadood oon isqabnay ma aanan arag maalinna asagoo Allihiis ku caasinaya, lacagtaana asagaa idiinsoo dhiibaye qaata”.Cabdullaahi waxa uu leeyahay: “Waan ka qaatay lacagtii,waxayna ahayd Shan diinaar, siday islaantii markaas nooga baxdayna siddeed iyo toban sanadood wejigeeda dib uma aanan arag ilaa geeriyi na kala geysay”. Dhammaad qisadii Saciid bin Al-Musayib.ISKA EEG INANTA INTAANAD GUURSAN

Ninku kolka uu xulanayo tii nolol la wadaagi lahayd, diintu waa ay u oggoshahay inuu iska eego, ha yeeshee su’aasha meesha ku jirtaa waxa weeye: (Intee in la’eg buu ka eegi karayaa jirkeeda?).

     Waxaa layiri: Cumar binu Khaddaab (RC) ayaa weydiistay Cali bin Abii Dhaalib (RC) inuu siiyo gabadhiisa Ummu Kaltuum markaas buu Cali (RC) ku yiri: “Cumarow gabadhu way yartahay, balse waan kuu soo dirayaaye aragoo haddaad raalli ka noqoto waa naagtaada”. Markaas buu gabadhii intuu maro usoo dhiibay ku yiri Amiirul-mu’miniinka ugee,  oo ku dheh aabbe wuxuu ku yiri:  “Waa tii aan kuu sheegayey”. Intay Cumar u tagtay bay maradii u dhiibtay, ereyadiina u sheegtay. Cumar (RC) baa markaa ku yiri :“Usheeg aabbahaa raali baan ka nahaye”. Markay bax is tiri oo sii jeesatay buu Cumar (RC) kubabkeeda marada ka qaaday. “Yaaaa, haddaadan Amiirul-Mu’miniin ahaan lahayn ishaan kaa dharbaaxi lahaa” bay ayadoo xanaaqsan intay tiri kasii dhaqaaqday. Kolkay aabbeheed ku noqotayna waxay kutiri: “Waxaad ii dirtay odoy xun oo saa iyo saa igu sameeyay”. “Maandhay waa ninkaagii” buu Cali (RC) hadal kusoo gooyay.

 Culimada diinta intoodii badnayd waxay isku raaceen inuu ninku gabadha uu guurkeeda doonayo ka eegi karayo jirka qaybihiisa haween lagu raaco sida wejiga, gacmaha, kubabka lugaha, iwm, qaarbaase intaa kasii fogaaday oo gaarsiiyey ilaa iyo jirka oo dhan waxaan ka ahayn labada dalool (cambarka iyo dabada).

SIFOOYINKII SHEEKH AL-NAFSAWI     Shaikh Al-Nafsawi oo ahaa caalim Islaam ah, noolaana qarniyadii dhexe waxa uu buuggiisii (Ar-Rowdul-Caadhir fii Nus-hatil-Khaadhir) ku qoray sifooyin uu sheegay in gabadha leh aan sinnaba loo daayin guursigeeda. Haddaba sifooyinkii uu sheekh Al-Nafsaawi tilmaamay iyo qaar kaloon tixraacyo kale ka helnay haddaynu nuxurkoodii soo koobno, waxay ahaayeen sidatan:     (Gabadha guursigeeda la doonaa waa  tan uu jirkeedu buuxo oo joogga iyo hilibka leh, foolka ballaaran leh, timaha dhaadheer ee madow leh, indhaha sidii ilays la shiday oo kalaa leh, dhabannada shushuban leh, sanqaroorka qoran leh, sunniyaha dhaadheer ee madmadow leh, afka yar iyo ciridka madow leh, ilkaha sidii aleel la qoray ah leh, dibnaha, dhabannada iyo carrabka cas leh, sanka iyo afka carfaya leh, qoorta dheer iyo cabbaaryaha leh, garbaha waaweyn leh, gacmaha buurbuuran iyo garaaraha leh, shafka ballaaran leh, naasaha toobinka ah ee dharka dul saaran dhibsanaya doonayana inay kasoo dhex baxaan leh, xabadka iyo naaska buuxa leh, dhexda yar leh, sinaha waaweyn leh, caloosha godan leh amaba xulus yaroo salaaxista ku habboon leh, xuddunta ballaaran ee biya-degeenkaa leh, cambar dusha iyo daafyaha ka cayilan dhexdana ka ciriirigaa leh, cajarrada waaweyn leh, qaarka dambe iyo doolasha waaweyn leh, kubabka buuxa, cagaha yaryar iyo cirbaha jilicsan leh.     Gabadha socodkeedu yahay siduu abwaanku u sawiray: “Culays kuma dhaqaaqdo mana cararto, cagta socodka kuma dhererto ciiddee way ciribsataa”, kolkay soconayso laafyoota, kor iyo hoosna ka lulata, soo socodkeeda aad macaansatid, sii socodkeedana la miyir beeshid, bashaashadda aan hadalka iyo qosolka badnayn, codka iyo carrabka gaaban balse ereyga kasoo baxa bukaankii maqlaa macaantiida ku bogsoodo, bixitaanka iyo soo gelitaanka yar gurigana aan dhaafin, deriska aan dan lama huraan ah mooyee hadal u doonan, dibadda markay dan ka yeelato ninkeeda oggolaansho ka dalbata, duunyo duqeeda mooyee dad kale aan weydiisan, iimaanka badanoo wax yari deeqaan, degganaanta iyo dulqaadka badan, ninkeeda daacadda u ah oo hadduu gogosha ugu yeero degdeg uga yeesha, hadduu damco  ayadu doonata, hadduu iska daayana isdadabta, kolkay galmadu dhacayso dhabannadu casaadaan, indhuhu caddaadaan, dibnuhuna cayaaraan, kalkay ninkeeda la joogto farax iyo qosol badan, markay dad kale arkeysana afgaaban oo edeb badan, eer-sheegad yar, abtiyaal iyo adeeryaal akhyaar ahna leh).RAG MAXAA LAGU RAACAA? Ragga iyo dumarku way ku kala duwan yihiin marka laga eego sifooyinka la’isku doorto xilliga guurka. Rasuulkeennu (Sallallaahu calayhi wasallam) waa kii yiri : (Naag waxa loo guursadaa maalkeeda, quruxdeeda, sharafteeda iyo diinteeda), taasi oo ina tusaysa in maalka iyo quruxdu ay 50% ka yihiin sababaha dumarka loo guursado, ha yeeshee kolkay arrintu joogto ninka isagu doonaya inuu guursado, qiimeyntiisu taa ka duwan.Diinteenna Islaamku waxa ay xaddidday laba shardi oo haddii ninka laga helo ay tahay in markaa inanta uu soo doontay loo guuriyo, labadaasi shardi oo kala ah; Diin  iyo Dabeecad. Rasuulka suubbani (Sallallaahu calayhi wasallam) waxa uu xadiis ku leeyahay: (Hadduu idiin yimaado nimaad diintiisa iyo dabeecaddiisa u bogtaan u guuriya, haddii kale xumaan iyo dhibaato weyn baa dhulka ka dhacaysa). Xadiiska waxaad ka garan kartaa in dabeecadda qofku aanay ku xirnayn diintiisa, maxaa yeelay si kasta oo qofku uu diinta u yaqaan, haddana dabeecad wanaagga, degganaanta iyo qabowga iyo waa loo kala dhashaa dabeecad xumida, xanaaq dhowaanta iyo kulaylka joogtada ah.Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) kuma aanu soo hadal qaadin xadiiskiisa qurux iyo maal looga baahan yahay ragga guurdoonka ah toona. Haddaba sababtu waxa weeyaan, aynu ku horreeyno quruxda eh, ninka ragga ah waxaa qurux ugu filan ragannimadiisa, oo kol hadduu waxgarad yahay, geesi yahay, caqli iyo kartina leeyahay, waxay ila tahay qurux ay dumar ku raacaan oo u harsani ma jirto. Dhanka kale, marka diinta Islaamka laga hadlayo, maalku kamid ma aha shuruudaha guurdoonka lagu xiray. Ninkii diin (aqoon iyo ku dhaqan) iyo dabeecad wanaag isku darsada, Eebbe asagaa xagga maalka ka kafaalad qaaday. Waxana taasi marqaati ka ah Aayadda oranaysa: (Hadday sabool yihiin eebbe asagaa deeqdiisa ku hodminaya).GAYAANKAA GUURSO      Arrimaha loo baahan yahay in ahmiyad la siiyo kolka la dooranayo lammaanaha nolosha waxa ugu horreeya diinta iyo dabeecadda sidaynu horeba usoo sheegnay, waxase aan la inkiri karin inay jiraan umuuro kale oo iyaga laftoodu ahmiyaddooda leh, waxaana kamid ah farqiga u dhexeeya da’da ninka iyo da’da inanta uu guurkeeda doonayoAbuubakar (RC) iyo Cumar (RC) ayaa mid waliba goonidiisa usoo doontay Faadumo binti Rasuul (Sallallaahu calayhi wasallam), markaas buu Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) mid waliba goonidiisa ugu sheegay inay gabadhu yartahay. Ha yeeshee kolkuu Cali (RC) soo doontay, waa uu siiyay, waxanay culimada qaar taa ku micneeyeen in Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) doonayey inuu gabadhiisa u guuriyo nin ay isku da’ dhowyihiin, waxana markaasi Faadumo (RC) ay jirtay shan iyo toban sano iyo shan bilood, halka uu Cali (RC) ka jiray koow iyo labaatan sano iyo afar bilood.Waxaa laga yaabaa inuu maskaxdaada ku soo dhoco guurkii Rasuulkeenna (Sallallaahu calayhi wasallam) iyo Sayidah Caa’ishah (RC) oo iyadu aad uga da’ yarayd Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam), ha yeeshee  qoraaga kitaabka (Tuxfatul-Caruus) Maxamuud Al-Istambuuli waxa uu ku doodayaa in umuurtaasi aanay ahayn mid lagu dayan karo sababahaan soo socda awgood:-                     Dadnimada Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) oo dadnimo qof lala simaahi jirin, taasi oo keentay inay Caa’ishah farxad kula noolayd, isagana ka door bidday nin kasta oo dhallinyaro ahaa oo soo doontay.-                     Ulajeeddada siyaasadeed ee ka dambeysay arooskaasi oo loola jeeday in dhidibbada loo aaso xiriir dhexmara Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) iyo Abuu-Bakar Al-Siddiiq (RC) oo saaxiibtinnimada soojireenka ah ee ka dhexeeysay asaga iyo Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) ka sokow, kamid ahaa hogaamiyeyaasha Carabta, loona fududeeyo maslaxadda ka dhaxaysay labadooda, maadaama uu Abuu-Bakar mar waliba tegi jiray guriga Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) si dardarsiimo loo geliyo Dacwada Islaamka.-                     Caa’ishah oo ahayd qof aad u diin badan, marnabana aan cabsi looga qabin inay gef ka geysato guurkaasi.

-                      Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) oo la siiyay awood ragannimo  u dhiganta afartan ragga Saxaabadiisa ah awooddood sida ku soo aroortay Xadiiska Saxiixa ah)

DDhammaad faalladii Istambuuli.

     Gabar baa gabar weydiisay: Naa rag kee baad ugu jeceshahay?. Markaas bay tiri: “Waxaan ugu jeclahay ger caddaale, guunyo badane, gaajo gooye, kuu garaabe, ku garab taagne, gef ka dheere, garoor ma daadshe, gaawe carafle, gaari farasle, gaarka haaye, deris gargaare,,,, ee adiguna”. Markaas bay ugu jawaabtay: “Anna Gar madoobe, geed walwaale, garruun weyne, gujo kulule, gunta ku geeye, kuna gufeeye, gidaarra jeexe, gurxan badane, gebagebeeye, gacan sarreeye, gam’i waaye,,,, kaas baan u jeclahay ee aniga iyo adiga teennee  caqli badan?”   

     Sida ninkuba u jecelyahay inuu guursado gabar da’ yar, qurux badan, caqli badan, dhawrsan, asagana jecel oo dhaqaalaysa, ayay gabadhuna u jeceshahay in loo guuriyo wiil da’ yar ama aan wax badan ka durugsanayn, qurux badan, caqli iyo ragannimo badan, dhawrsan oo iyada uun ku kooban, deeqsina ah.

Waxaa la yiri: Nin gaaban oo fool xun baa wuxuu qabay gabar qurux badan. Maalin buu usoo galay ayadoo si fiican isu qurxisay. Markaas buu isha la raacay awoodina waayay inuu ka jeesto. Markay aragtay siduu u eegayo bay tiri: “Maxaa kugu dhacay?”. “Wallaahi aad baad u qurxoonaatay”. Markaas bay tiri: “Ku bishaareyso inaan aniga iyo adiguba Janno geleyno”. Suu weydiiyey: “Oo xageed ka ogaatay?”. “Anoo kalaa lagu siiyey markaas baad shukriday, adoo kalena waa la’i siiyey markaas baan sabray, qofka shukriya iyo ka sabraana waa ehlu janno” bay hadal ugusoo jartay.

Waxaa la yiri: Nin baa asagoo faras fuushan waxaa kahor timid naag uusan quruxdeeda ayadoo kale hore u arag. Markaas buu ku yiri: “Hadduu nin ku qabo Eebbe hakuu barakeeyo, haddii kalese ii sheeg”. Markaas bay ku tiri: “Maad iska kay dhaaftid wax aanad jeclayn baa igu yaalle”. “Maxaa kugu yaal?”. “Madaxayga cirraa ku taal”. Intaa markuu maqlay buu faraskii saynta u rogay si uu u dhaqaaqo, waase ay joojisay, oo intay timeheedii hagoogta ka qaadday tustay, mise waaba timo madowgooda wax lagu mitaalo aan la arag. Waxayna ku tiri: “Wallaahi inaanan weli labaatan jir gaarin, ha yeeshee waxa madaxaaga iiga muuqatay cirro, waxana aan rabay inaan ku tuso in annaguba aan idinku nacayno waxa aad nagu nacaysaan”.     Ugu dambayntii, waxaa lagama maarmaan ah inuu jacayl jiro amaba israbitaan ka dhexeeya labada ruux ee guurka u sharraxan, ha yeeshee jacaylka laf ahaantiisa ma aha in laga dhigto yool, balse waa inuu ahaadaa waddo xaaran oo loo maro hadaf ka weyn oo ay labada qof hiigsanayaan. Gabadha aad guursigeeda dooneysaa ma tahay haddaad guri gashaan (waa siday kuula muuqato eh) mid ay naagnimadeedu ku qancin doonto? Ma tahay mid loo daayey agaasin guri, garaneysana rag waxa u roon iyo waxa ka reebban?. DARDAARAN AAN DIIN LOO EEGIN

Waxa la arkaa waqtiyadaan dambe in dad badan oo isdooranayaa ay isku doortaan muuqaallada dibadda sida: muuqaalka iyo midabka jirka, timaha, eegmada, iwm., iyaga oon ka eegin qofka ay dooranayaan dhanka sifooyinka nafsiyeed iyo dabeecadeed oo iyagu ah kuwa nolosha qoys u horseeda farxad, raynrayn, raaxo iyo murugo la'aan.

Haddaba waa in rag iyo dumarba aan la isku dooran muuqaalka kore oo qura, balse lagu doortaa qofka shakhsiyaddiisa, sababta oo ah muuqaalku waa mid ku xiran da'da qofka oo baaba'aya. Tusaale ahaan, gabar ku fekeri jirtay inay hesho wiil dheer, jirkiisu dhisan yahay, lebbis qurxoon, taajir ah iwm., haddii ay hesho wiilkii ay ku riyoon jirtay una haysatay inuu noqon doono wehelkeeda adduunyada (isna uu ku doortay sifooyinkii ay ku dooratay kuwa la mid ah), kolka ay aqalgalaan oo dabeeto inta ay ka dheregto sifooyinkiisa dibadda, u baahato dadnimadiisa gudaha ayna markaasi ka weydo, waxay billowdaa inay dareento dhibaatooyin aanay hore ugu xisaabtamin iyo inaysan raalli ahayn. Haddaba kolka aad dooranaysid kan kula wadaagaya nolosha, waa in aad ka eegto oo qiimaysid gudihiisa iyo dibaddiisa labadaba oo uusan kugu noqon (afka malab uur minshaar).Gabadhu inta aysan isku indha tirin jacayl, waxa loo baahan yahay inay ogaato ruuxa ay laabteeda u furaysaa inuu noqon doono kan ay isla billaabi doonaan socdaal nololeed jiraya ilaa ay geeriyi kala geyso. Waa inay maskaxda ku haysaa in doorashadeedaasi ay tahay imtixaan ay geleyso inta ay nooshahay kan ugu adag, sidaasi daraadeedna ay isugu geyso wax allaale waxay xeel iyo khibrad leedahay siday u darsi lahayd dabeecadda iyo shakhsiyadda gudaha ee qofka ay dooranayso.     Waxaa laga yaabaa in qofku aragtida guud ka caafimaad qabo, balse uu hoosta ku wato cudurro xunxun sida Jabtada amaba cudurrada kale ee waqtiyadaan dambe ku caan baxay dunida kuna qarsoon xubnaha taranka, kuwaasi oo ay khatartoodu badan tahay gaar ahaan kolka ay hayaan haweenka. Waxa laga yaabaa in Jabtada kolka la iska daaweeyo ay dusha ka bogsooto, balse ku qarsoon tahay jirka hoose ilaa ay maalin maalmaha kamid ah u gudubto maskaxda keentana cudurro Eebbe kaa haayo, iyada oo weliba u gudbaysa qofka aad isqabtaan iyo carruurta intaba. Cudurka Qaaxadu isna waxa uu leeyahay natiijooyin kuwaasi la mid ah, waxaana waajib ah in arrimahaasi oo dhan maskaxda lagu haayo marka la dooranayo lammaanaha nolosha.
KHIDBADA

Khidbada haddaynu ka eegno dhanka diinta Islaamka iyo dadkii hore, waxa ahayd sidatan: wiilku dumar buu dirsan jiray uga warkeena inanta akhlaaqdeeda iyo gaarinimadeeda. Hadduu la dhaco wanaagga laga soo sheego iyo warbixinta laga keenana, duqay buu kaxaysan jiray amaba keligii bixi jiray oo intuu aabbeheed u tago guurkeeda weydiisan jiray. Kolkaana aabbuhu hadduu ku qanco wiilka diintiisa iyo edebtiisa, wuxuu la tashan jiray inanta iyo hooyadeed, hadduu oggolaasho ka helana halkaa ayuuba ku bixin jiray. Gabadha markaa inta la mehriyo ayaa ninkeeda la daba dhigi jiray, waxayse ahayd hadduu sidaa dalbado. Haddii kale intuu halkuu kasoo doolay u noqdo ayuu kolkuu guri diyaarsado soo doonan jiray laguna dari jiray.  

Maanta khidbadu waxa weeye xaflad faraxeed duunyo badani ku baxdo dad badanina isugu yimaado, dabeetana wiilka iyo gabadha oo si fiican loogu soo lebbisay gacmahana ishaystaa intay ku soo baxaan dadka xafladda kasoo qaybgalay, hortooda isku weydaarsada farraanti ka dhigan heshiis dhexmara labadooda oo ah inay isguursan doonaan, waxayna dhab ahaantii u egtahay heshiis ganacsi labada dhinac mid loogu xajinayo kan kale, waana arrin aan diin wax sal ah ku lahayn.

Hablaha qaar khidbadu waxabay u tahay dareen iska sara marin ay iska sare marinayaan kuwa kale ee aanay weli duruuftu u oggolaan in dadku isugu yimaado uguna alalaaso xafladda khidbadooda. Waxa iyana jirta in khidbado badani ku dhacaan si degdeg ah, si waddada looga xiro loogana boos qabsado kuwa tartanka kula jira gabadha ama wiilka. Dhallinyaro badan baa hablaha ugu ballan qaada guur, si ay uga haqab tiraan rabitaankooda jinsiyeed dabeetana ka baxa ballantii ay ku galeen afar indhood hortood. Kol haddayse khidbadu ku dhacayso dadka oo dhan hortooda, ceeb bay ku noqonaysaa iyo sharaf dhac haddii intuu gabadhaasi ku ciyaaro dabeeto isyiraahdo fasakh (kabax) khidbadaasi sabab la'aan.Tijaabooyinku waxay caddeeyeen in khidbada ay ku xigsato galmadu iyada oon la gaarin meher iyo aqalgal, ay inta badan ku dhammaato kala tag. Khidbadaha qaar baa ku dhaca xaalad qooq iyo kacsi iyo dhaar inayan weligood kala harin, iyada oon wax hordhac iyo ka fiirsi ahi ka horreeyn, sidaasina intay u hoggaansamaan kacsi iyo rabitaan aan xad lahayn, daqiiqad kadib ka shallaayaan wixii ay daqiiqad kahor ku dhaqaaqeen. Gabdhaha qaar baa kolka ay hoosta ka galaan wiilka ay jecel yihiin uu soo weeraraa dareen kacsi aan xad lahayni, dabeetana awoodi waaya inay (maya) yiraahdaan iyaga oo miyir iyo dhimirba beela, sidaasina ay ku dhacaan heshiisyo aan weligood dhaboobayn iyada oo weliba aan la joogin meel laga noqdo.Gabadhii khidbadeeda fasakhda mujtamacaadka reer barigu waxay ku eegaan il liidiseed, taasi oo ah dulmi la jideeyey waqti fog. Fasakhidda khidbadu amaba haddaynu si kale u niraahno ka bixitaanka ballantii ahayd in la isguursan doono waxay xummeysaa sumcadda gabadha. Waxa intaa dheer in mujtamaca iyo cid kasta oo doonta inay gabadhaasi dib u doonato labaduba u arkaan inay tahay garoob, si kastaba gabadhaasi ha u jeclaato khadiibkeeda cusub, daacad iyo raaliyana ha ugu ahaato eh.

Dalalka aan diinta Islaamka ku dhaqmin qaarkood waxay khidbadu uga dhigan tahay xarig sharci ah, khadiibadduna waxay leedahay xuquuq u dhiganta tan ay leedahay haweeneyda la qabo iyo weliba xuquuqda uurjiifka caloosheeda ku jira haddii ay u oggolaato khadiibkeeda inuu u galmoodo intaanay aqalgelin. Waxa caadi ah inaad dalalka caynkaasi ah ku aragtid nin iyo haweeney isu dhalay laba iyo saddex carruur ah oo la leeyahay caawa ayuu dhacayaa nikaaxii iyo aqalgalkoodii. Waxa taasi ka yaab badan in dalalka qaar aanayba labada qof  isguursanaynin ilaa iyo inta ay ka hubsanayaan inay carruur isu dhali karayaan, iyaga oo isla noolaanaya ilaa iyo intay dhawr carruur ah isu dhalayaan, markaa dabadeedna aqalgal iyo xaflad yaab leh  loo dhigayo.

BAABKA LABAAD

AQALGALKA

 

GABADHA UDHISA GACALKEEDA

     Gabadha intaan gacalkeeda loo guri geyn, waxaa loo baahan yahay in loo dhiso, loona naashnaasho. Saciid bin Al-Musayib wuxuu ibni Cabbaas (RC) ka weriyey inu yiri: Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) kolkuu gabadhiisa Faadumo (RC) u guurinayey Cali (RC), wuxuu haweenkii ku yiri: “Gabadheyda Faadumo waxan u guurinayaa ina adeerkay Cali. Waanad ogsoon tihiin halkay iiga taallo, waxaanan doonayaa inaan haddeer u guri geeyee, gabadhii waa taase dhisa”. Kolkaa intay Faadumo u tageen bay ugeliyeen waxay dahab lahaayeen, kuna udgiyeen waxay barafuunno lahaayeen. Muddo markuu ka maqnaa buu Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) mar labaad u  galay haweenkii, markaas bay uga bexeen qolkii, waxase ku hartay gabar la oran jiray Asmaa’ binti Cumays. Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) baa markaa weydiiyey gabadhii:  “Adigu tumaad ahayd?”. “Tii gabadhaada ilaalineysay baan ahay”, una raaciday: “Gabadha habeenka la aqalgelinayo waa in ay qof dumar ihi la joogto u adeegta, hadday dan yeelatana ufulisa”. Markaas buu Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) ugu duceeyey: “Eebe hortaada, gadaashaada, midigtaada iyo bidixdaada intaba sheydaan haka ilaaliyo”.

Haddaba, gabadha habeenka aqalgalka waa in inta si wanaagsan loo dhiso, la raaciyaa gabar kale “Malxiisad” ninka guriga ugu gelisa, una bandhigta qurux jirkeeda wixii ku qarsoon, iyadoo mar lugeheeda tusta, mar gacmaheeda, mar wejigeeda marna dahabka dusheeda ku raran, si uu isha uga buuxsado ugana dhergo intaanba gogol iyo galmo la isla gaarin. Waxaa weliba habboon in ninka xaaskiisa loo aqalgeliyo habeenkii kolkay dunidu degto dadkuna jabaqda dhigo.


DARDAARANKA HOOYADA HABEENKA AQALGALKA

     Hooyo. 1: (Gabadheydiiyeey, waxaad ka baxday guri aad baratay una baxday gogol iyo nin aanad garanayn. U noqo dhul, samo hakuu noqdee. U noqo dhab, udub dhaxaad ha kuu noqdee. U noqo jaariyad, addoon ha kuu noqdee. Ha isku nabin yaanu ku nicine, hana ka fogaan yaanu ku hilmaamine. Hadduu kuusoo dhowaado u dhowow, hadduuse kaa meero ka fogow. Ilaali sankiisa, dhegihiisa iyo indhihiisa. Yaanu kaa urin udug mooyee, yaanu kaa maqal hadal mac mooyee, yaanunna kaa dhugan dhalaal iyo qurux mooyee).

     Hooyo. 2: (Gabadheydiiyeey, waxaad ku socotaa nolol cusub.. Nolol aanu boos uga bannaaneyn hooyadaa, aabbahaa, iyo walaalahaa toonaأ¢â‚¬آ¦Waxaad noqoneysaa xaas uu qabo nin aan dooneyn inay cidi kula wadaagto, xitaa hadday ciddaasi ahaan lahayd kuwii ku dhalay iyo kuwii kula dhashay.

Gabadheydiiyeey, ninkaaga u noqo naag iyo hooyo labadaba. Gaarsii heer uu aamino in aanay cid aan adiga ahayni jirin, mar kastana xusuusnow inuu nin (nin kasta) yahay carruur caga weyn, hadal macaan kan ugu yarina uu ka farxinayo. Yaanu kaa dareemin murugo iyo in guurka uu ku guursaday aawgii aad reerkaagii uga soo fogaatay, illayn isaguba waxa uu ka soo tegay gurigii aabbihii iyo reerkiisiiye. Ha yeeshee farqiga idiin dhexeeya adiga iyo isagu waa uun farqiga u dhexeeya nin iyo naag oo naagi mar waliba waa ay ka beer jilcan tahay kagana xiiso badan tahay ninka xagga waalidkeed iyo gurigii ay ku dhalatay, ku barbaartay waxna ku baratay. Waa inaad la qabsataa nolosha cusub iyo ninka cusub oo laga billaabo maanta noqday ninkaagii iyo carruurtaada aabbohood.

Gabadheeydiiyeey, waa kaa mustaqbalkaagii waana kaa gurigaad adiga iyo ninkaagu wada dhisateen, aabbahaa iyo hooyadaana ka soo qaad wax tegay. Ku oran maayo iska illow aabbahaa, hooyadaa iyo walaalahaa, haddaad adigu illowdana iyagaanba ku illoobi karin, waxanse kaa codsanayaa in aad ninkaaga jeclaatid, isu qurxisid, isagana u joogtid, weligaana maandhey iska ilaali masayr haddii kale furriin meel kuuma jiro).

     Hooyo. 3: (Gabadhaydiiyeey, maal badni waalidkeed hadday gabari nin kaga maarmi lahayd adaa ugu horreyn lahaa, balse haddaynu dumar nahay rag baa naloo abuuray, sida raggaba annaga naloogu abuuray.

Gabadheydiiyeey, waddankaad ku dhalatay iyo gurigaad ku barbaartay waa tanoo waad ka baxaysaa, adoo aadaya dal aanad aqoon iyo nin aanad u baran la dhaqankiisa, ee maandhey u ilaali toban umuurood:

-                     Ta koowaad iyo ta labaad: Ku qanac wuxuu ku siiyo kana maqal wuxuu ku yiraahdo, maxaa yeelay qanaacada qalbigaa ku qabooba, maqalka ninkana rabbi baa raalli ka noqda.

-                     Ta saddexaad iyo ta afraad: Halka ishiisu qabanayso la soco, halka sankiisu urinayana ogoow, oo yaanay ishiisu qurux mooyee wax kale qaban, sankiisuna udgoon mooyee wax kale urin.

-                     Ta shanaad iyo ta lixaad: La soco waqtiyada uu wax cuno, uguna dadaal degganaanta waqtiga uu hurdo, maxaa yeelay gaajadu way gubtaa, hurdada oo lagu bar gooyaana way ka caraysiisaa.

-                     Ta toddobaad iyo ta siddeedaad: U dhowr guriga iyo maalka haku qaddariyee, una daryeel qaraabada iyo ubadka maamul aqoon iyo marwanimo hakuu qiree.

-                     Ta sagaalaad iyo ta tobnaad: Sir haka bixin yaanu kaa sad goosane, amarna haka diidin yaanu intuu kuu xanaaqo ku diline. Ha farxin isagoo murugeysan, hana ismurjin isagoo faraxsan).

DAREENKA GABADHA HABEENKA AQALGALKA

Gabadha aan bekra-jebinta wax fikrad ah ka haysan, was-waas, shaki iyo cabsiyi kama marna habeenka lala aqalgelayo. Marka aan leeyahay (fikrad) kama wado tijaabooyin hore oo ay soo martay, balse waa fikrad cilmiyeed la soo baray loogana soo sheekeeyay. Waxaa dhacda inay hablaha qaarkood ka baqaan inayba kala dillaacaan habeenkaasi. Bekra-jebinta waxaa la socda xanuun yar oon micne lahayn, watana macaan illowsiisa cabsida oo dhan. waxaan oran karnaa maba jiro wax xanuun lagu tilmaami karaahi haddii aynaan annagu arrinka buunbuuninayn, siinaynna ahmiyad ka weyn tan uu mudan yahay.

Waxa waajib ku ah gabadha inay isugu diyaariso guurka si qalbi furnaan leh, sababta oo ah habeenka aqalgalku waa hadafkeeda koowaad waxaana ku xiran mustaqbalkeeda oo dhan. Gabadha si wanaagsan u xulatay gacalkeedu maba aha inay cabsato, balse waa inay si kalsooni ah xabadkiisa isugu tuurtaa una dhunkataa iyada oo u diyaar garoobeysa inay la midowdo laga billaabo saacaddaasi ilaa iyo intay nooshahay. Dabcan gabadha caynkaasi ah ee farxad iyo laab furnaan ku soo dhoweysa habeenkeedu way hilmaantaa xanuunka aan wax la sheego lahayn ee la socda bekra-jebinta.

SIDEED U DHAQMAYSAA HABEENKA AQALGALKA

Waxaan shaki ku jirin in aanu ninku wax dhibaato jireed ah kala kulmeynin bekra-jebina habeenka aqalgalka, ha yeeshee waxa uu la kulmaa dhibaatooyin nafsiyadeed oo kaga yimaada dhanka xabiibtiisa kasoo tagtay gurigii waalidkeed ay ku noolayd laga soo billaabo carruurnimadeedii albaabkana laga soo xirtay, isna aragtay iyada oo joogta caalam cusub una dhiibaysa nafteeda iyo jirkeeda nin aysan aqoon amay dushaas uun ka arki jirtay, cunto cusub, guri cusub, amar qaadasho cusub, iwm. Waxa laga yaabaa in gabadhaasi ay sanado badan daawan jirtay kana qaybgeli jirtay aqalgallo, akhrisanaysayna buugaag ku saabsan guurka, kuna riyoon jirtay farxadda iyo raynraynta sugaysa, waana tanoo rajooyinkeedii gabarnimo maanta waa ay dhaboobayaan, waxaanay dareemeysaa in halyeygeedan ay jeceshahay uu yahay kan leh jirkeeda, haddana waxa aanay ka dhamayn baqdin dumarnimo.

Habeenka aqalgalku waxa weeye habeen imtixaan, mana aha siday dad badani u haystaan habeen raaxo iyo in intuu ninku isku dul tuuro haweeneydiisa cusub uu ka darduurto macaan aan xisaab lahayn. Waxaa waajib ku ah ninka inuu habeenkaasi ula dhaqmo gacaladiisa sidii qof martiya oo kale uusanna ula dhaqmin sidii naagtiisa, sababta oo ah ahmiyadda nafsiyadeed ee habeenkaasi leeyahay baa ka weyn tan jinsiyeed. Waxaa ninka looga baahan yahay inuu bixiyo wax ka badan inta uu qaadanayo, waana in uusan ka fekerin raaxadiisa balse u qaato in habeenkaasi yahay habeen imtixaan xaddidaya mustaqbalka iyo aayaha dambe ee la dhaqanka haweeneydiisa, iyada oo habeenkaasi ka qaadanaysa fikrad heerka ay gaarsiisan tahay raganimada ninkeedu, kalana hubsanaysana in ay u dhabowday riyadii ay ku taami jirtay iyo inay khasaartay.

     Asmaa’ bintu Yasiid (RC) oo malxiisad u ahayd Caa’ishah bintu Abii-Bakar (RC) markuu Nabigu (Sallallaahu calayhi wasallam) la aqalgelayey, waxaa laga weriyey inay tiri: (Caa’ishah oo si wanaagsan loo soo qurxiyey ayaan soo geliyey qolkii aqalgalka, markaas baan ugu yeeray rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam). Waxa uu Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) inoo soo galay isaga oo sida weel caano ku jiraan, intuu qaar ka cabay buuna Caa’ishah u taagay, markaas bay kama qaadane hoos dhugatay xishood dartii, markaas baan cod canaani ku jirto ku iri: Naa ka guddoon Nabiga (Sallallaahu calayhi wasallam). Dabeeto intay ka qaadatay bay xoogaa ka cabtay, markaas buu ku yiri: Sii inta soo hadhay hablaha saaxiibbadaada ah).

Haddaba waxaynu halkaa ka garan karnaa in kolka gabadha la soo geliyo gurigii lagula aqalgeli lahaa, ay habboon tahay in ugu horreynta la guddoonsiiyo hadiyad wixii markaa loo heli karo, loona sheekeeyo si xishoodka iyo baqdinta looga bi’iyo, gogoshana aan marnaba lagula degdegin.

Diinteenna Islaamku waxay qabtaa in kolka aroosadda aqalka la soo geliyo, intuu ninku madaxeeda gacanta ka saaro uu ku ducaysto in Ilaah khayrkeeda iyo barakadeeda waafajiyo, waxay xumaan leedahayna ka badbaadiyo.

Amarka ugu horreeya ee ay habboon tahay inuu ninku xaaskiisa cusub siiyaa waxa weeye inay laba rakco oo Salaad ah ku xirato, ayna ku ducaystaan in Ilaah isu barakeeyo, carruur khayr qabtana kala siiyo. Sidaasi bay  labada isqabaa ku dareemaan in ulajeeddada ugu weyn ee guurku aanay ahayn galmo iyo raaxaysi, balse ay tahay gudasho waajib diini ah iyo dhalid carruur dadkooda iyo dalkooda anfacda. Sidaas bayna Diinteenna Islaamku niyadda ugu dhisaysaa labada qof habeenka aqalgalka, ugana dhigaysaa macaanta hawsha habeenkaasi cibaado.

     Ninku sida uu u dhaqmo habeenka aqalgalku waxay ku xirantahay sida uu u fekero, aqoontiisa, da'diisa, heerka rabitaankiisa jinsiyeed, iwm.. Haddaba si looga hor tago dhibaato kasta oo si lama filaan ah ku timaada, waxa loo baahan yahay in kahor habeenka aqalgalka ay labada isdoortay iska afgartaan mashaakilka jacaylka iyo guurka, haddii ay dareemaan in ay isku afgaran la'yihiin arrimahaasina waxa talo iga ah in ay kala tagaan, sababta oo ah guurka ku billowda is afgaranwaa jinsiyeed waxa uu lamid yahay cimaarad laga dul taagay bacaad khasabna ay tahay inay isbuurato.

Ninka habeenka aqalgalka waxa waajib ku ah inuu ka fogaado wax kasta oo miyirka ka qaadi kara sida: mukhaadaraadka, qaadka (jaadka), khamriga, iwm. (waxyaabahaasi oo sidoodaba xaaraan ka ah qofka Muslinka ah), si uusan u fasahaadin una burburrin rajooyinkii xabiibtiisa oo dhaboobaya habeenkaasi, kuwaasi oo ah inay aragto gacalkeeda oo intuu ku soo dhoweeyo waji furan, u ximbaara xaggaa iyo sariirta. Waa inuu ka ilaaliyaa inay ku baraarugto nin cabsan oo dhac-dhacaya, kuna soo socda isaga oo Aalkolo iyo khamri ay ka soo urayaan, afkiisana ay ka soo baxayaan ereyo aan dhegaha u roonayn, halkaasina dabeeto ay kaga qaraxdo quraaraddii rajadu.

Kolka labada caruus ay ka tagaan goobta waliimada una baqoolaan xaggaa iyo gogoshooda, waxa ninka waajib ku ah inuu u dhaqmo si xilkasnimo ku jirto. Waa inuusan hilmaamin in xafladdu ay daalisay jirka ooridiisa cusub. Maalinta aqalgalku waxay farxad u tahay labada qoys, ehelada kale iyo asxaabta oo dhan, ha yeeshee daal bay u tahay labada aqalgelaya, iyada oo weliba inta badan xafladda la qabto qorrax dhac kadib.

Waxa habboon in ninku uusan ugu deg-degin firaashka sidii isaga oo xiso waxbarasho dhaafaysa ka gaarsiinaya. Waa inuusan ku degdegin furitaanka hadiyadda loo keenay. (Ninyahaw noloshaada guur ha ku billaabin kufsi. Ha degdegin saacado, maalmo iyo sanado badan baa ku horyaal aad sidaad doonto u raaxeysan karto eh. Ka ilaali gacaladaada wax kasta oo shaki, naxdin, iyo degganaan la'aan ku abuuri kara , ulana dhaqan ugu yaraan saacad kaamil ah sidii adinka oon weli aqalgelin waxbana aysan dhicin. Waxaan ula jeedaa, uga sheekee jacaylka aad u qabto iyo quruxdeeda, isuna ahaada sidaad isu ahaydeen habeen kahor, si ay gacaladaada ugu soo noqoto degganaantii una dareento ammaan iyo nabad-gelyo, wax walibana waad heli doontaaye tartiibso).

Waa inay aroosaddu heshaa xorriyad buuxda oo ay dharka iskaga beddesho, waana inuusan u soo gelin ninkeedu ilaa ay sariirta ka tagto. Waa inuu isagu dharka iskaga soo beddelaa qol kale amaba suuliga. Aroosaddu waa inay soo xirataa dhar khafiif ah oo laga dhex arkayo jirkeeda furitaankiisuna uu sahlan yahay sida guntiinada oo kale, si ay u soo jiidato ninkeeda, laakiinse looma baahna inuu isagu soo qaato dhar khafiif ah, ama xayto, amaba is-qaawiyo, taasi oo ka didinaysa xaaska habeenka ugu horreeya. Waxa laga yaabaa in gabadhu kolka ay aragto jirka ninka oo qaawan uu u cuntami waayo, oo sidii ay filaysay iyo sida dhabta ahi ay kala fogaadaan sida geedkiisa oo aad u weyn ama jirka ninka oo dubkiisu uu aad u jilicsan yahay, ama tin fara badan leh amaba ay aafo ku taal.

Waxyaabaha ay gabadha bekrada ahi aadka uga xumaato, nafteedana dhaawaca waxa kamid ah, ninka oo jirkeeda u qaawiya si ula kac ah, sababta oo ah waxa lagu barbaariyay inay is-asturto ama ay cawradeeda hoose sida naasaha, caloosha iyo xubinta taranka qarsato, sidaa awgeed ninka oo goobahaasi mar qura daboolka ka rogaa (gaar ahaan kolka uu isagu dharkiisii weli qabo) waxay gabadha ku dhalinaysaa xishood iyo inay ka xumaato, dareentana in ninkeedu ula dhaqmayo sidii inay dhillo tahay oo uu rabo inuu ka dhamaysto oo qura. Waxa kale oo loo baahan yahay in ninku uusan gacmihiisa gabadha dharka oo dhan kaga dhigin, sababta oo ah waxay u haysataa in dharku uu asturayo wax aan loo baahnayn in indhaha ninku ay arkaan, oo ah ceeb jirkeeda ku taal. Haddaba waxa ninka la gudboon inuu ooridiisa cusub u daayo habeenka koowaad inay iyadu dharka iska dhigto ama iska beddesho, welibana waa in uu tagaa meel aanay ka arkayn markay dharka iska saarayso si uusan uga xishoodsiin. Haddii haddaba uu yahay ragga ka hela inay hawshaasi iyagu fuliyaan waa inuu si tallaabo-tallaabo ah u fuliyaa oo uusan hal mar dharka ka wada dhilqin, balse uu dhowr habeen hadba meel kusii hoydaa, kuna fuliyaa hawshaasi meel mugdi ah inta ay ka baranayso xaaskiisu, ugana kalsoonaanayso. Kolka uu kalsoonidaasi kasbadana wax dhibaato ah kala kulmi maayo inuu siduu doono wax yeelo.
DHIBAATOOYINKA DHAQANXUMADA NINKA

Waxa dhab ah in aqoon la'aanta haweeneyda iyo aqoon yarida ninku ay keeni karaan xaalado murugo leh oo aynu ka tilmaameyno oo keli ah saddexdaan xaaladood.

-                     Gabar ayaa ku kortay gurigii waalidkeed. Kolkii walaaleheed ka da' weynaa wada guursadeen baa lagu khasbay inay guursato nin loogu  tilmaamay inuu yahay nin wanaagsan iyada oo lagu qanciyay in jacaylku imaan doono guurka dabadiis. Kolkii gabadhii loo aqal geeyay buu ninkii habeenkii koowaad ku billaabay habab galmo aanay u dulqaadan karin, weligeedna aanay ku riyoon inay la kulmi doonto. Habeen labaadkii gabadhii waxay iska tuurtay daaqaddii guriga oo ka koobnaa dhowr dabaq, iyada oo geeri ka door bidday waxyaabaha uu ninkeedu kula kacayo oo in la qariyaa ay ka roon tahay sheegistooda.

-                     Waxay ahayd gabar aad u dabeecad wanaagsan, furfuran dadka intii taqaannay oo dhamina jeclaayeen, balse dareen fudud oon dulmi u dulqaadan. Gabadhii waa la guursaday iyada oo raalli ka ah, ha yeeshee aan nolosha guur waxba ka garaneyn. Habeenkii aqalgalka ayuu ninkeedii amar ku siiyay inay isdhiibto, saa waa ay diidday iskuna dayday inay iska caabbiso, dabeetana ninkii baa sidii dugaaggi oo kale u soo weeraray, si uu u helo waxa uu u haysto inuu xaq iyo sharciba u leeyahay. Gabadhii intay xanaaqday ayay billowday inay jejebiso alaabadii qolka taallay inta ay ka gaartay, kolkaasi buu dadkii hoteelka degganaa soo kala yaacay oo intii ay gabadha dhakhtar u dooni lahaayeen, u dalbeen ciidanka booliska, kuwii oo iyana intay qabteen oo xirxireen u gudbiyay cusbitaalka dadka waalan.

-                      Gabar baa guriga aabeheed ku gaartay gu' soddonaad, maalinkii dambe baa nin lagu mehriyay, waxayna dhowr jeer isku dayday inay ninkeeda wada hadal kala yeelato arrimaha ku saabsan nolosha guurka, waase uu ku xanaaqayey mar waliba isaga oo diiddan in uu (naag) kala hadlo mowduuc ceynkaasi ah (sharaftiisana ku ciyaaro), ha yeeshee natiijadii kibirkiisu waxay soo baxday habeenkii aqalgalka. Haweeneydiisii oo ku kortay dhowrsanaan buu ka soo horbaxay isaga oo qaawan oo sidii Eebbe u abuuray ah. Gariir xoog leh iyo argagax bay gabadhii ku dhalisay aragtidaasi naxdinta lihi, waxayna billowday inay isdifaacdo, isagiina isku deyay inuu weeraro oo qabsado, balse wax guul la taaban karo ah sooma uusan hoyn, inkasta ooy libintu dhankiisa u badnayd. Kolkii uu ogaaday inuusan halkaasi koob biya ah ka kabbanaynin buu qolkii oo la moodo goob legdan dib uga gurtay isaga oo caydu afkiisa ka fanfaniinayso, degayna qol kale. Subaxdii ayuu soo laabtay si uu quraac u helo, waxase lagu salaamay quursi, yasmo, diidmo, iwm.. Habeenkaasi yaabka iyo argagaxa lihi waxa uu aroosaddii ku dhaliyay kacsi iyo rabitaan la'aan waqtiga galmada iyo weliba caadada oo isgefgefta.


BEKRA-JEBINTA

Habeenka aqalgalku waa habeennada nolosha qoys kan ugu horreeya, galmada dhacda habeenkaasi bayna gabadhu isugu bedeshaa haweeney, sidaasi daraadeed aad iyo aad buu ahmiyad ugu leeyahay haweeneyda cusub. Waxa ugu muhiimsan ee habeenkaasi dhacayaa waa bekra-jebinta. Bekradu waa xuub ama dub khafiif ah oo ku dahaaran afka hoose ee cambarka, waxaana ninka waajib ku ah inuu dillaaciyo ama ballaariyo xuubkaasi kolka ugu horreysa ee uu dhalfada gelinayo cambarka.

Waxa jirta in hablaha 10-39% xuubkooda bekradu aanu dillaacin balse uu  ballaarto, iyada oo ay dhalfadu si xoog leh ku dhex marto xuubkaasi ballaartay. Xuubku waxa uu markaasi dhalfada u qabsanayaa sida laastiigga oo kale, halkaasina haweeneydu waxay ku dareentaa xoogaa xanuun ah oo ay macaani ku dheehan tahay (ka hadli mayno gudniinka fircooniga ah iyo gabadha la tolay, balse waxannu ka hadleynaa hablaha bekradii Eebbe u sameeyey qaba). Mar kasta oo ay dhalfadu sii ballaariso xuubka caynkasi ah, xanuunku waa uu sii yaraadaa, sidaasi buuna ninku geedkiisa si fudud muddo dabadeed cambarka ku geliyaa isaga oon wax dillaac ah u geysan. kolka ay galmadu badato si toos ah buu xuubkaasi u kala tagaa isaga oon wax dhiig ahi ka imaan amaba xitaa xanuunin.

Ragga khibraddoodu ay yartahay qaar baa u haysta in bekra-jebintu ay u baahan tahay xoog, kana shakiya awooddooda sidii iyaga oo ku jira ciyaar kooxeed, cabsidaasi oo dhibaato nafsiyadeed ku abuurta habeenka aqalgalka. Haddaba xaqiiqdu waxa weeye in bekra-jebintu aanay u baahnayn xoog, ha yeeshee ay ku filan tahay oo qura geedka ninka oo kaca dhalfaduna adkaato oo taaganto.

     Dariiqada ugu sahlan ee uu ninku xaaskiisa ku bekra-jebin karaa waxa weeye gabadha oo intay dhabarka si dherer ah ugu seexata labadeeda lugood kala furta, jilbaha soo laabta, labadeeda cajirna kala fogeysa iyada oo gacmeheeda kaashanaysa, sidaasina uu ku ballaarto afka cambarku, kuna giigsamo xuubka bekradu, dhex-maristiisuna sahal ku noqoto. Dabeeto intuu ninku geedkiisa ku subko kareemo sahasha sibxashadiisa, ayuu xaaskiisa kor kaga yimaadaa, oo dhalfada u saaraa bushimaha cambarka, hal-marna si kedis ah kaga dusiyaa, halkaasina bekradii sidii maqaar durbaan u dillaacdaa.

Haddii gabadhu ay tahay mid aqoon yar, cabsi badan, kana baqaysa bekra-jebinta, waxa ninka waajib ku ah in aanu isku deyin in uu xoog kaga dusiyo geedkiisa, gaar ahaan hadduu geed weyn yahay sahalna aysan ahayn inuu cambarka dhex-maro, balse waa inuu u dib dhigtaa ilaa berrito kuna kaaftoomaa istiimin iyo salaaxid, si uu u soo dhoweeyo xabiibtiisa. Haddii uu ku guulaysto inay xaasku istiinka qaadato waa inuu si tartiib-tartiib ah isugu dayaa inuu kaga baabi'iyo cabsida ay ka qabto ninnimadiisa, isaga oo erayadiisa naxariista leh laabta ugu dejinaya, iskuna deyaya inuu ka bi'iyo gacaladiisa is-difaaca nafsiyeed iyo tan jireed intaba.

Kolka uu taasi ku guulaysto, waa inuu furista albaabka xiran u billaabaa si xariifnimo ku jirto, isaga oo isku deyaya ballaarinta xuubka bekrada, kana dhaadhicinaya aroosaddiisa in xanuunku uusan ahayn mid laga baqo, afka uu furayna uu yahay mid ku filan inuu si sahal ah geedkiisa ku geliyo. Waa inuu billaabaa gelinta dhalfada, isaga oo raacinaya niiko fudud, waana inuu xoogga saaraa inta u dhaxaysa labada bushimood ee yaryar xuubkooda ku beegan bartamaha cambarka, dabeetana gacaladiisa afka-afka u geliyaa oo dhunkasho iyo dhuuqmo ku billaabaa, daqiiqado kadibna si toos ah u geliyaa geedka. Markaasi qaylo ayay ku dhifataa, neef ay ku dheehan tahay oohin iyo farxadna neefsataa, kuna soo geba-gebeysaa dhoola caddeyn. waa guul.

Sida caadiga ah kolka bekrada la dillaaciyo dhiig ayaa ka yimaada, aan ka badnayn dhowr dhibcood, halleeyana go'a ku firaashan sariirta. Dadyowga dunida qaar baa waxay dhiiggaasi ku tilmaamaan inuu daliil u yahay bekranimada gabadha, ehelada gabadhuna waxay sameeyaan xaflad diini ah ooy ku xusayaan go'aasi dhiigga leh, iyaga oo ku waraya meelo loogu talagalay, kuna faanaya, ha yeeshee arrintaasi waa mid diinteenna Islaamka iyo akhlaaqda (anshaxa) khilaafsan.

Haddii gabadha uu dhiig badani ka yimaado, taasi oo mararka qaar dhacda, waxa waajib ku ah inay intay dhabarka u seexato, ay labada cajar isku dhejiso, iyada oon waxba isdhaq-dhaqaajin, markaa isaga ayaa iskii iskaga joogsanaya, waana inaanay isku deyin inay joojiso amaba dhiiggaasi tirto.

Waxaa marmar dhacda in xuubka bekradu uu adag yahay oo aanu ninku si fudud ku dillaacin karin, waxaana loo baahan yahay markaasi in aan xoog lagu dayin, oo intii aynu maqli lahayn qaylo iyo oohin ay habboon tahay in dib loo dhigo ilaa habeen dambe, haddiise arrintu adkaato waa in loo geeyo dhakhtarad ku takhasustay cilmiga haweenka, si ay qalliin bekra-jebin ah ugu sameyso. Xuubka bekradu kolka uu dillaaco sida caadiga ah waxa uu reebaa gaballo yaryar ama faraqyo aroosadda xanuujiya habeennada xiga, waxayse iskood u baaba'aan dhowr maalmood ama dhowr usbuuc kadib.

XUUBKA BEKRADA

Xuubka bekrada waxa dusha ka dahaara bushimaha yaryar ee cambarka. Xuubkaasi oo dillaaca habeenka gabadha la bekra-jebinayo, wuxuu yeeshaa kolka uu dillaaco faraqyo ama raaman, waana la dareemi karaa jiritaanka raamankaasi ilaa laga gaaro dhalmada koowaad kolkaasi oo uu si toos ah u baaba'ayo. Dillaaca xuubka bekrada waxa la socda dhiig bax heerar kala duwan leh. Waxa laga yaabaa in xuubku uu aad u adag yahay, hor istaagana galmada, ama yahay sida laastiigga oo kale oo uusanba galmo ku dillaacin, balse goor dambe dhalmadu ay dillaaciso. Waxa dhacda in mararka qaar afka xuubka bekradu uu yahay mid tooxan oo uusan koobaabnayn, mararka qaarna waaba uu dahaaran yahay oo maba laha xitaa meel uu dhiigga caadadu kasoo baxo, taasi oo kallifta in dhakhtar loogu yeero.

Dhakhtarad caafimaad oo tijaabo ay la kulantay ka hadashayna waxay tiri: (Gabar lix iyo toban jir reer miyi ah ayuu ninkeedii oo wadaa iigu keenay rugteyda caafimaadka. Waxay ahayd gabar caato ah, midab boor ah leh, aadna u bar yar, oo ruuxii eegaa u malaynayo inay ilmo laba iyo toban jir ah tahay. Waxaan ugu horreyntii u qaatay inay raashin xumo sidaan u gashay, ha yeeshee waxa iga shaki siiyay jirkeeda aad mooddo inuu dhiig caddaad qabo oo boorka leh, waxaanan is iri armay dhiig sumow qabtaa. Markii aan dharka ka dhigay waxa ii muuqatay caloosheeda buuran. Kolkii aan ninkeedii weydiiyayna waxa uu ii sheegay inuu qabo muddo ku dhow sanad, maalmahaan dambese ay billowday inay caloosha ka sheegato, isaga oo intaasi ii raaciyay “Waxaan u maleynayaa inay uur 5-6 bilood ah leedahay”. Dabeeto gabadhii ayaan weydiiyay su'aasha caadiga ah “ Goormaa dhiig caado kuugu dambeysay?”, waxanay iigu jawaabtay inaanay weligeedba arag dhiig caado, saa ninkii baa lasoo booday “Gabadhu waa ay yartahay oo weli ma qaangaarin, waxaana laga yaabaa inuu uurku sabab u yahay caado la'aanta”. Gabadha kolkii aan baaray waxa ii caddaatay in uusan jirin wax uur shan bilood ahi, balse ay jiraan wax aan garan waayey. Waxaan markaasi baaray ilma-galeenkii, saa dhabtii baa qorraxda ka caddaatay oo aad iiga nixisay. Cambarka waxa ku dahaaran dub dhumuc weyn oo balaastiig ah, kolkii aan farta ku riixayna si sahal ah u duusmay, waxayna farteeydu ku sigatay inay gaarto luqunta ilma-galeenka oo uusan u dhexeyn wax aan xuubkaasi ahayni. Ninkii baan weydiiyay waxa uu ka xusuusto habeenkii aqalgalka, wuxuuna iigu jawaabay “Habeenkaa xaaskeyga waan u tegey, wax dhiig ahise kama imaan, ha yeeshee kama aanan shakiyin maadaama ay ahayd ilmo yar oo aan weli caqliyaysan”. Markaas baan ninkii u sheegay in naagtiisu ay weli bekro tahay ayna ku dhalatay xuub bekro dhumuc weyn oo owdan, waxa caloosheeda ka buuranina uu yahay dhiiggii caadada oo bilba bisha ka dambeeysa ku ururayey, meel uu dibadda uga soo baxana la'aa. Kolkii aan xuubkii bekrada dillaaciyay waxa oodda soo goostay dhiigii duugga ahaa oo is urursaday, gabadhii markaas bay miiskii ay dul saarneyd uga toostay sidii iyada oo markii ugu horreysay ka soo nabdoonaatay cudur ku raagay) .

Xuubka bekrada caadiga ahi kolka uu ku dillaaco galmada ugu horreysa, waxa dillaacaasi luqada caafimaadka lagu yiraahdaa (Defloration), ha yeeshee waxaa laga yaabaa in dillaacaasi ay keenaan waxyaabo kale oo aan galmo wax xiriir ah la lahayni, kolkaasi ooy gabadhu dareento xanuun yar amaba aanay waxba dareemin, xoogaa dhibco dhiig ahina ka soo tif-tif yiraahdaan. Waxa isna jira xuub bekro daloolkiisu uu laab-laaban yahay, kana ballaar badan yahay kan koobaabinta ah, geedka ninkuna uu geli karo isagoon wax dillaac ah u geysan, gaar ahaan hadduu geedku ka dhumuc yar yahay sida caadiga ah. Waxa kale oo isna jira nooc xuub bekro daloollo badan leh sida shaqshaqa oo kale, kaasi oo kolka galmadu dhacayso si sahal ah u dillaaca isaga oon keenin wax dhiig bax iyo xanuun ah toona. Waxa intaa dheer hablo dhasha iyaga oo xuubkooda bekradu aanu lahayn wax dalool ah sidaan hore uga soo hadalnay waase arrin naadir ah. Xuubka bekrada noocyadiisa waxa ugu badan (75%) nooca jilicsan daloolkiisuna koobaabinta yahay. Boqolkiiba 25% waa noocyada kale ee aan caadiga ahayn, waana in arrintaasi maanka lagu haayo.

Waxa laga yaabaa in xuubka bekradu uu ku dillaaco sababo kale oon ahayn galmada sida farda fuulka, mooto fuulka, amaba ay gabadhu farteeda ugu dillaaciso si ula kac ama kama' ah sida iyada oo farta ku riixda si ay u hubsato in ay weli bekro tahay, sidii qof kiish lacag ahi jeebka ugu jiro oo mar waliba gacanta ku hubsanaya inuu meeshiisii weli ku jiro, taasi oo markaasi keenta inuu si tartiib-tartiib ah u duusmo dabeetana u dillaaco.

Xuubka bekradu kama qaybqaato galmada wax shaqa ahna kuma laha, mana keeno wax raaxa ah, ha yeeshee waxa uu qiimi weyn u leeyahay nolol bulshadeedka mujtamacaad badan oo dunidan ku nool. Dad badan baa waxay ka dhegaxiran yihiin waxa uu xuubkaasi yahay, waxaanay qaarkood aaminsan yihiin inay waajib tahay in xuubkaasi lagu dillaaciyo kulanka ugu horreeya ee ay kulmaan labada aqalgalay dhiig gaduudanina soo yaaco, haddii kale gabadhu bekro ma aha. Waxa dhacda in dalalka qaar gabadha qudha laga jaro hadduu dhiig ka soo yaaci waayo habeenka aqalgalka, iyada oo looga aar-goosanayo inay ku ciyaartay sharafteedii iyo tii eheladeeda intaba.

Kolka laga soo billaabo waqti fog, xuubka bekrada oo nabad qabaa waxa uu ka marag kici jiray bekranimada gabadha iyo inaan weligeed loo tegin, suuragalna aanay ahayn inay uur qaaddo xitaa hadduu ka joogsado dhiigga caadadu. Si haddaba looga ilaaliyo gabadhu inay bekra-jabto iyada oon bisayl (16-18) gaarin, waxay mujtamacaadka qaarkood u dejiyeen qawaaniin u diidaysa inay sameyso wax haba yaraatee lagu magacaabi karo galmo, xitaa hadday ahaan lahayd dhunkasho amaba taabasho xubnaha taranka dharka kakor laga taabanayo. Mujtamacadka qaar ay Soomaalidu kamid tahay waxay u qodbaan gabadha si iskaba daa gaabsiye sidii gabadhaasi guur loogu naageysan lahaa ay u baahan tahay dagaal ba’an oo dhiig ku daato. Iyadoo taasi jirto bay misana hablaha magaalooyinku gabarnimadooda (bekranimadooda) ku waayaan kacsi labboodnimo iyo raaxo jinsiyeed raadin aawadood, ama ay siraan dhallinyaro u ballan qaadda inay guursan doonaan, amaba jacayl been ah u dhisa, dabeetana kolka ay muraadkooda ka gaaraan qashin-qubka iskaga tuura una horseeda sharmuutanimo.

Si kastaba arrintu ha ahaato eh looma baahna in xuub bekro kasta oo dillaaca loo qaato inuu ku dillaacay galmo. Sidoo kale looma baahna in nabad-qabka xuubka bekrada loo qaato looguna dhaarto in gabadha lihi ay bekro tahay. Dr. Amiin Ruweyxa waxa uu ku qoray buuggiisii (Al-Xubbu Was-Sawaaju) sidatan: (Waxaa maalin maalmaha kamid ah ii timid gabar leh uur shan bilood ah, ahna ardayad Jaamacad dhigata. Gabadha waxay is jeclaayeen wiil ay Jaamacadda wada dhigtaan, waxanay ku ballameen inay is guursadaan kolkay waxbarashada dhameeyaan. Gabadha iyo gacaliyeheedu dusha sare ayay isaga galmoon jireen (waa uu u buraashi jiray) iyagoon wax dhaawac ah gaarsiin xuubka bekrada. Ha yeeshee taasi kama aanay hor istaagin xawadii inay maalin maalmaha kamid ah gaarto daloolkii xuubka, oo inta ay gashay, dabeeto uga gudubtay qaybihii hoose ee cambarka, sidaasi bayna gabadhii ku qaadday uur iyada oo bekro ah "sida uu dadku ku tilmaamo"). Haddaba akhristaha sharafta lahow isweydiiyoo ma tahay gabadhaasi bekro?.

Waxa weliba taa ka sii daran in la is xusuusiyana mudan umuur fara ba’an ku haysa qaar kamid ah dalalka bekrada caabuda (gabadhii xuub bekro leh ixtiraama). Dhallinyarada ku nool dalalkaasi qaarkood iyaga oo doonaya inay raaxeystaan isla markaasina ilaalinaya xuubka bekrada xabiibtooda, ayay ku kacaan umuur aad uga fool xun arrimihii lagala dagaallamayey, taasi oo ah inay hablaha uga galmoodaan dhanka gadaale (Dabada). Mashaqadaasi waa mid aad caan ugu ah dalalka habeenka inantooda lala aqalgelayo dhiigga ka soo yaaca u sacabba tuma.

War iyo dhammaan, galmada habeenka koowaad oo si naxariis darro ah loogu dillaaciyo xuubka bekradu waxa ay gabadha ku keentaa dhiig-bax iyo dhaawacyo mararka qaar u baahda dhakhaatiir iyo cusbitaallo. Waxa weliba intaa dheer gabadhaasi oo laga yaabo inay qaaddo qabow iyo rabitaan la’aan jinsiyeed ka dhashay dhaawacyadii habeenkaasi.


BISHA MALABKA

Soomaalidu waxa ay taqaan in toddobaadka ugu horreeya aqalgalka, haddii uu ninku shaqo lahaa intuu fasax ka soo qaato, uu xaaskiisa cusub guriga kula jiro, waxaana la yiraahdaa: (Hebel toddobo ayuu ku jiraa). Ha yeeshee, dalal badan oo caalamka ah waxa laga yaqaan bil kaamil ah oo lagu magacaabo (Bisha Malabka), kana billaabata habeenka aqalgalka.

Dhanka toddobaadka Soomaalida haddii aynu ku horreyno, ninku maba ku fekeri karo muddadaasi wax aan ka ahayn siduu u bekra-jebin lahaa gacaladiisa, maadaama uu bedenkiisa ku jeexayo meel bir loogu tolay, oo nasiib buuba leeyahay hadduu toddobaadka gudihiisa ku bekra jebiyo xaaskiisa.

Dalalka aan isticmaalin gudniinka fircooniga ah, oo bekra-jebintu aanay inta badan qaadan wax ka badan hal habeen, bisha malabka waxay u haystaan bil raaxo. Ha yeeshee guud ahaan labada xaaladoodba, aqalgalku waxa uu ka dhigan yahay seminaar u billaabanaya labada aqalgelaya, gaar ahaan gabadha ka soo baxday caalamkii gabarnimada, una soo baxday caalam naagnimo. Waxa looga baahan yahay ninka inuu bishaasi xaaskiisa baro dhammaan waddooyinka uu ku guuleysan karo guurkoodu, kuna socon karo ilaa geeriyi kala geyso. Waa bil isbarasho laba badan, laba naf iyo laba dabeecadood. Waa inuu ninku bishaasi gudeheeda ku baraa xaaskiisa dhammaan wixii uu ka garanayo hababka galmo iyo raaxo, dabeecaddiisa, dookhiisa, noocyada cunto ee uu jecel yahay, iwm.

Bekra-jebinta kadib, gabadhu waxay u baahan tahay nasasho iyo daryeel gaar ah, sababta oo ah dhaawacyada bekradu inkasta oo dusha sare ay yihiin haddana waa uun dhaawacyo ku dhacay jir dad, waxayna u baahan yihiin dhowr maalmood ilaa ay ka bogsoonayaan, waxaana marmar dhacda inay gabadha la bekra jebiyay u baahato in la daaweeyo. Haddaba iyada oo taasi laga duulayo, waxa waajib ah in maalmaha hore laga fogeeyo safarrada daalka iyo damqashada keena. Waxa kale oo jira in toddobaadyada xiga habeenka aqalgalka, ay aroosadda la soo darsaan isbeddello fara badan oo gudaha iyo dibadda jirka intaba kaga yimaada. Isbedelladaasi waxay u badan yihiin kuwo ku dhaca shaqada gudaha ee xubnaha taranka, sababta oo ah waa markii ugu horreysay ee ay gabadhu sidaasi u kacsato.  Ilma-galeenka ayaa laalaabmaya, ugxan-siduhuna billaabayaa inuu hormoonno jinsiyeedyo ku shubo dhiigga, taasi oo raad ku yeelata dhammaan qaybaha jirka gaar ahaan qanjirrada iyo maskaxda . Sidaasi daraadeed shaqooyinkii hore ee jirka waxa ku soo kordhaya shaqooyin cusub oo aan hore loo aqoon. Haddaba waa inuu ninku muujiyo dulqaad iyo karaan, si uu u badbaadiyo bilawga nolol waarta, isaga oo meel iska dhigaya laxa-jacayl iyo iska dhega-tirka isbeddellada ku imaanaya gacaladiisa, waana inuu ku dadaalaa sacaadadeeda iyo raaxadeeda. Laa Aooco Qeybta Danbe

Email:- j.20fr@yahoo.com